Kaltuun Mustaf: Waxbarashadu waa aalad awood badan oo gacan ka geysan karta doorka gabdhaha warbaahinta ku jira”

Maamulka telifishinka Koonfur Galbeed oo ka mid ah telifishinnada sida buuxda u aqoonsaday kaalinta iyo dadaalka hablaha warfidiyeenka ah ayaa Kaltuun Mustaf Nuur u magacaabay madaxa barnaamijyada telifishinka.

Kaltuun oo ku dhalatay kuna barbaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya warbaahintana kusoo biirtay 2017-dii, ayaa xirfadaha wardoonka iyo war soo saarista kula shaqeysay warbaahin kala duwan halkaas oo ay ka dhaxashay khibrad wax ku ool ah oo u horseeday in la dhallacsiiyo.

“Fikradaha khaldan ee laga qabo gabdhaha saxafiyiinta awgeed, ma fileynin in isbedelkan lama filaanka ah oo abuuraya in la helo fursad loo simman yahay, haddase waxaa muuqata mowjado isbedel oo lagu aqoonsanayo doorka gabdhaha saxafiyiinta ah” ayey tir Kaltuun, “Aad ayaan ugu faraxsanahay dallacsiinta la ii sameeyey, waxaan aaminsanahay in ay wax badan ka tari doonto kor u qaadista muuqaalka iyo sumcadda gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed”

Kaltun oo waxbarashadeeda dugsiga hoose, dhexe iyo sare ku qaadatay magaalda Muqdisho ayaa hadda wax ka barata jaamacadda Baay ee ku taalla magaalada Baydhabo iyadoo shahaadada koowaad ka diyaarineysa cilmiga maamulka dadweynaha. Kaltuun ayaa aaminsan in aqoontu tahay waxa kaliya ee kor u qaadi kara kaalinta haweenka ee warbaahinta oo haatatan raggu ku badanyihiin.

 “Waxaan ogaannay in aqoonta haweenka ay tahay mid liidata, taas ayaa sahashay in raggu si dhib yar ula wareego xilalka sarsare ee warbaahinta. Dayacaaddan iyo sinnaan la’aantan wey sii socon doontaa haddii haweenka warbaahinta ku jira aysan kor u qaadin aqoontooda iyo khibraddooda, sidaas darteed waxaan qabaa in aqoontu tahay aalad isbedel oo bili karta kaalinta haweenka ee warbaahinta”

Kaltuun xirfaddeeda saxafinnimo awgeed waxaa lasoo gudboonaaday caqabado badan oo ay ugu horreyso in sanadkii 2015-kii waalidkeeda uu ka hor istaagay in ay ku biirto warbaahinta. Si la mid ah xubnaha kale ee bulshada, waalidiinta ayaa aaminsan in warbaahintu aysan ahayn xirfad ku habboon gabdhaha. Taasoo ay ugu wacantahay huuhaa ay ragga saxaafadda kula loollamaya dumarka ka fidiyaan waana arrin aan dhab ku salaysnayn sida ay qabto Kaltuun.

“Bulshada ayaa niyad jebisa gabdhaha saxafiyiinta ah taasoo ka hor joogsata in isbedel la taaban karo ay ka sameeyaan warbaahinta. Markii hore, aniga iyo qoyskeyga isku si uma arkeynin sida gabadh ay u noqon karto wariye. Marar badan ayey kasoo horjeesteen go’aankeyga laakin ugu dambeyn 2017-kii ayey ii oggolaadeen in aan ku biiro saxafadda kaddib markii ay ku qanceen hammigeyga” Kaltuun ayaa intaas raacisay, “Gabdhaha saxafiyiinta ah meel gaari mayaan haddii waxyaabahan yar yar ay niyad jebiyaan, sinnaanta aan raadineynana waxay noqon doontaa wax iska riyo ah”

Kaltuun waxay sheegtay in sinnaan la’aanta iyo takoorka ka dhanka ah gabdhaha ku jira warbaahinta ay sabab u tahay wada shaqeyn la’aanta dhexdooda ah. Waxay saxafiyiinta ku boorisay in ay is garabsadaan kuna hadlaan hal cod si ay u helaan xaqooda.

“Wada-shaqeyn la’aanta ka dhex jirta gabdhaha saxafiyiinta ah ee ka howlgala Koonfur Galbeed ayaa mararka qaar xagal daacisa ama niyad jab ku keenta gabdho badan oo daneeynaya in ay xirfadda saxafadda kusoo biiraan. Arrinkan ayaa gaabis ku keeni kara tartanka ay  gabdhahu kula jiraan ragga dhiggooda ah ee ay xirfad wadaagga yihiin” ayey tiri iyada oo hadalkeeda sii raacisay “Ahmiyaddeyda koowaad waxay noqon doontaa mideynta gabdhaha ka shaqeeya gobolka si iyagoo wadajira ay u raadsadaan xaqooda”

Kaltuun ayaa hoosta ka xarriiqday in caqabadaha ay waajahaan gabdhaha saxafiyiinta looga gudbi karo meel marinta sharciga fursado loo simman yahay.

“Caqabadaha horyaalla haweenka suxufiyiinta ah waxaa lagu xallin karaa adeegsiga sharciga fursado loo wada simman yahay, waxaa hubaal ah in sharcigaas uu fududeyn doono in dumarku helaan fursado shaqo iyo dallacsiin la mid ah tan ay raggu helaan”

Dallacsiin

Agaasimaha telifishinka Koonfur Galbeed, Cumar Mustaf Nuur ayaa sheegay  in maamulka  telefishinku uu dallacsiiyey Kaltuun una magacaabay madaxa barnaamijyada telifishinka kaddib markii ay ku qanceen dadaalkeeda iyo howlkarnimadeeda. Agaasimaha ayaa caddeeyey in shaqaaleysiinta iyo dallacsiinta shaqaalaha ay u cuskadaan aqoonta iyo howlkarnimada xirfadaha iyada oo aan loo kalaa eexanayn.

“Halkan waa xarun dowladeed, dhammaan shaqaalaha ka howl galana, rag iyo dumar xuquuq simman ayey helaan iyada oo aan loo eegeynin jinsi, midib IWM. Dallacsiinta shaqaalaha waxey ku dhisan tahay qaab caddaalad ah oo qofka loo tixgelinayo aqoonta iyo khibradda uu leeyahay. Gabadhu hadii ay leedahay aqoon, shaqadeedana gudan karto, ma jirto sabab loo takoori karo”ayuu yiri agaasime Cumar.

Tan iyo markii telefishinka Koofur Galbeed saxiixay heshiiska baaqa sinnaanta jinsiga, wuxuu laba jibbaaray awoodsiinta gabdhaha saxafiyiinta ah ee ka howlgala xarunta. Agaasimaha telifishinka ayaa sheegay in mar walba ay gabdhaha ku dhiirrigeliyaan kor u qaadidda xirfaddooda iyo ka dhabeynta hamigooda.

Agaasime Cumar ayaa xaqiijiyey in gabdho badan ay u direen tababarro ka qeyb qaadanaya kobcinta xirfaddooda shaqo. Kaltuun ayaa kamid ahayd saxafiyiin qaatay dhowr tababar oo ay si wadajir ah u qabteen SWJO iyo IMS-FOJO. Tababarrada muhiimka ah ee Kaltuun iyo saxfiyinta kale ay qaateen waxaa kamid ahaa tababarro ku saabsanaa isbedelka ay tahay in ay sameeyaan gabdhaha ku jira warbaahinta iyo caqabadaha ay kala kulmaan goobaha shaqada.

Ujeeddada labadaan tababar oo ay ka faa’ideysteen 30 gabdhood ayaa ahayd soo bandhigista caqabadaha ay la kulmaan haweenka saxafiyiinta ah, wax ka badalka dhaqamadii hore iyo abuurista isbedel cusub oo horseedaya awoodsiinta gabdhaha warbaahinta ku jira.

Diseembar 2018-kii, warbaahinta Soomaaliya waxay saxiixeen baaqa sinnaanta jinsiga oo uu waday ururka SWJO kaas oo u qareemayey baahida loo qabo xushmeynta xuquuqda haweenka warbaahinta ku jira iyo fursado loo simman yahay oo ay helaan hablaha saxafiyiinta ah sida shaqooyinka, dallacsiinta iyo tababarrada.

Tani waxay sawir fiican ka bixisay dadaallada hufan ee SWJO iyo IMS-FOYO ay u galeen abuurista jawi fiican oo ay ku shaqeyn karaan hablaha saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*