Kaltuun Mustaf: Waxbarashadu waa aalad awood badan oo gacan ka geysan karta doorka gabdhaha warbaahinta ku jira”
Maamulka telifishinka Koonfur Galbeed oo ka mid ah telifishinnada sida buuxda u aqoonsaday kaalinta iyo dadaalka hablaha warfidiyeenka ah ayaa Kaltuun Mustaf Nuur u magacaabay madaxa barnaamijyada telifishinka. Kaltuun oo ku dhalatay kuna barbaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya warbaahintana kusoo biirtay 2017-dii, ayaa xirfadaha wardoonka iyo war soo saarista kula shaqeysay warbaahin kala duwan…
