Warsaxaafadeed

Urrurka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SWJO), waxaa uu ka xunyahay isla markaana  canbareynayaana qaabka ay wasaraaddu u soo xayiisiisay laba jago oo ka bannan Telefeshinka Qaranka oo haween ah.

Shuruudaha ay wasaaraddu sheegtay in looga baahanyahay gabdhaha shaqada soo dalbanaya, ayaa waxaa ka mid ah; “in ay dherer ahaan, miisaan ahaan iyo muqaalba leedahay qaab telefeshin, iyo in ay leedahay cod waraahineed iyo hub-qaad wanagsan.

Haddaba labadaan shardi ayaa noqday kuwa uu la fajacay ururku isla markaana uu ka soo horjeedo, sababha hoose awgood:

  1. Shuruudahani waa takoor iyo faquuq lagu sameynayo gadhaha dhexdooda iyo duudsiinta xaqa ay dhammaantood u leeyihiin in ay u tartamaan shaqada ay doonaan, iyadoo aan loo kala saarin muuqaalkooda iyo wax lamid ah.  
  2. Majiro wax la yiraahdo qaab muuqaal telefeshin oo heshiis lagu yahay, oo lagu xusho wariye, sidoo kale ma jiro xiriir ka dhexeyn kara qofka dhererkiisa ama muuqaalkiisa iyo Teleshinka.
  3. Shuruudahani waxaa ay sidoo kale ku talax tageen qaab dhismeedka jirka dumarka oo ah fal ka dhan ah anshaxa ahna xad-gudub jinsi oo si guud loogu sameeyay gabdha saxafiiyinta ah.

Sidaa darted, ururuka waxaa uu ugu baaqayaa wasaaradda Warfaafinta in ay raalli gelin ka bixiso falkan xad-gudubka ah ee ay gabdhaha saxafiyiinta ah kula kacday ayna saxdo khaladkeeda.

Dhmmaad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*