27-september Maalinta Caalamiga ah ee Xog-helida aduunka oo maanta ku beegan.

Waxaa maanta magaalada Moqdisho lagu qabtay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee xog-helida (International day for universal access to information )2018.

Wax yaabaha laga hadlay waxaa ka mid ahaa sida ay warbaahintu u hesho xogaha kala duwan ee ka dhaca gudaha dalka iyo qaabka ay u baahiso,

Sido kale halka uu gaarsiisan yahay sheekooyinka laga helo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Munaasabada waxaa ka soo  qeyb-galay qaarkamid agaasimayaasha xarumaha warbaahinta dalka,wariyayaal iyo dad kasocday bulshada rayidka.

Farxiya Maxamed Kheyre gudoomiyaha ururka gabdha Suxufiyiinta oo munaasabada hadalo ku saabsan xuska  maalintani halkaasi ka  jeedisay waxa ay tiri “wariyaashu waa in ay ahaadaan mar walba kuwo dhaxdhaxaad ah, oo soo gudbiya wararka  xaqiiqda ku saleysan.

Waxaa ka loo ay ka hadashay isticmaalka Social media ee wariyaasha Soomaaliyeed

“wariyaasha in ay heli waayaan  xogo kala duwan oo dhameystiran oo ay baahiyaan waxaa u sabab ah kalsooni yari ay ku qabaan shacabka iyo siyaasiyiintaba sababtoo ah maalin kasta facebookyadooda waxa ay ku soo qoraan warar aan tafaftir-neyn tusaale wariyaasha qaarkood doowladda ayay taageeraan oo ay ku amaanaan facebookooda, qaarna waa ay dhaliilaan, waxaa intaas sii dheer si lamid ah siyaasiyiinta ayaa ayaguna qaarna ay ku amaanaan qaarna ay ku eedeeyaan sheekooyinkani iyo kuwo kalaba oo ka fog dhaxdhaxaadnimada suxufiga wuxuu sababay in  aan lagu kalsoonaanin wartabiyaasheena maanya” sidaasi waxaa tiri Farhia Kheyre.

PHOTOS

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*