Waxaa magaalada Nairobi ee Caasimada wadanka Kenya maalinkii labaad ka socda Shir waynaha Africa oo looga hadlayo Horumarinta Saxaafada Wadamada dhaca Qaarada Africa iyo adeegsiga Aalada Casriga iyo Warbaahinta.
Shirka waxaa lagu cazuumay suxufiyiin iyo marti sharaf kale oo isaga yimid wadamo badan oo ku yaalla Bariga,Galbeed,iyo Koofurta Africa.sidoo kale dadka ka qeyb galayo waxaa ka mid ah xubno ka tirsan Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee #SWJ oo qeyb ka ah gabdhaha WAN-IFRA oo ah hey’add horumariso haweenka Suxufiyiinta ee Africa
Waxa aan rajeynaynaa in ay ka soo baxaan waxyaabo faa’iido noo ah haddii aan nahay Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
PHOTOS
Leave a Reply