Waxaa moqdisho lagu soo bandhigay maanta Daraasadda aasaasiga ah ee xaaladda ay ku shaqeeyaan Gabadhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaa maanta Magaalada Moqdisho uu ku soo bandhigay ururka Suxufiyiinta Gabdhaha Soomaaliyeed ee SWJ Daraasadda aasaasiga ah ee xaaladda ay ku shaqeeyaan Gabadhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Buugga laga qoray cilmi baarista waxa uu soo koobayaa isagoo dhinacyo badan ka fiiriniya Cilmi baaristana lagu ogaadey iyadoo la tegey inta badan gobolada dalka, Tacdiyada Gabdhaha loogu geysto goobaha shaqada.

Waxa kale oo ay daraasadu ka hadleysaa oo la ogaadey sababta ay Gabdhaha Saxafiyiinta ahi uga mid noqon waayeen go’aan ka gaariska Warbaahinta Soomaaliya.

Waxa kale oo lagu ogaadey Daraassadda sida ay Gabdhuhu ugu Mushaar yar yihiin Wiilasha kala shaqeeya goobaha Warbaahinta, iyo Sida aan loogu quurin iney qabtaan Barnaamijyada qaar.

Gebagebadii Cilmi baaristu waxay gabdhaha Weriyaasha ah ku guubaabineysaa iney xoogga saaraan sidii ay xaqooda ku soo dhacsan lahaayeen iyo iney Waxbarashada Meel sare ka gaaraan si ay Wiilasha asaagood ah wax ula qeybsadaan.

Soo bandhigida Buugga kadib waxaa la galay dood ka hadleysa sidii Gabdhahu ay uga muuqan lahaayeen kaalintooda marka laga hadlaayo Warbaahinta.

Waxaa Madasha soo xaadiray Madaxda Warbaahinta dalka sida Madaxda #NUSOJ_SWJ_IMS_IYO_FOJO

Media Houses-ka, Agaasimayaal, Tifatirayaal, Bulshada Rayidka, Xafiiska Raiisul Wasaaraha, Weriyaal Waaya Arag ah iyo Marti kale oo kulanka lagu casuumay.

PHOTOS

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*